Golaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta yeeshay kulankooda caadiga ahaay
Fadhiga maanta ayaa waxaa shir gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal waxaana ku wehlinaayay labada Gudoomiye ku xigeen, ajandaha kulanka maanta ayaa ahaay
1. Akhrinta 3aad & Ansixinta Hindise Sharciyeedka Shirkadaha Ganacsiga Galmudug.
2. Akhrinta 3aad iyo Ansixinta Hindise Sharciyeedka Dhismaha Golaha Adeega Garsoorka Galmudug
Golaha Baarlamaanka ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Hindise Sharciyeedka Shirkadaha Ganacsiga Galmudug.
Wasiir ku xigeen wasaarada Ganacsiga iyo Gudiga Dhaqaalaha, maaliyada, Ganacsiga iyo warshadaha Baarlamaanka Galmudug ayaa ka mahadceliyay ansixinta Ansixinta Hindise Sharciyeedka Shirkadaha Ganacsiga Galmudug.
Dhanka kale Golaha Baarlamaanka Galmudug ayaa dib ugu celiyay Wasaarada Cadaalada iyo Garsoorka Hindise Sharciyeedka Dhismaha Golaha Adeega Garsoorka Galmudug.”