Baarlamaanka Galmudug oo Cod Aqlabiyad leh ku Ansixiyay in Guriceel ay degmo noqoto

Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay in in Magaalada Guriceel tahay degmo buuxda oo ka tirsan Degmooyinka Gobalkaasi.

Horay Golaha Wasiirada ay U ansixiyeen maqaamka in Guriceel ay noqoto Degmo buuxda, waxaa magaaladu ay ka mid tahay Magaalooyinka ugu waa weyn Gobolkaasi, waana xarunta Ganacsiga Galgaduud.

Sidoo kale Guriceel waxaa lagu tilmaamaa degmada ugu bulshada badan ee Galmudug, dhaq dhaqaaq ganacsi xowli ah uu ka jiro, inkastoo bishii la soo dhafay xaalad dagaal ay gashay, dad fara badan ka barakaceen, waxaana magaaladu si tartiib tartiib caadi ugu soo laabatay labadii todobaad ee u dambeeyay.

Bulshada ku nool Magaalada ayaa horay u dalbaday in Maqaam la siiyo Magaalada oo degmo ahaan loo aqoonsado, maaddaama ay tahay Magaalo weyn.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor