Baarlamaanka Carabta oo War kasoo saaray Qaraxii lala beegsaday Ciyaartoyda

Baarlamaanka Carabta ayaa si kulul uga hadlay qaraxii Jimcihii lasoo dhaafay ka dhacay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, kaasi oo lala beegsaday gaari Bas ah oo ay saarnaayeen Kooxda kubada Cagta ee JCCI.

Bayaan ka soo baxay Baarlaamnka Carbata ayaa waxaa loogu tacsiyeeyay eheladii ku waayay qaraxa dadkooda, iyado sidoo kela loogu rajeeyay caafimaad deg deg ah dadkii ku dhaawacmay, kuwaasi oo dhammaantood Ciyaartoy ahaa.

Sidoo kale Bayaanka ka soo baxay Baarlaamnka Carbata ayaa waxaa intaas lagu sii daray inay garab taagan yihiin dowladda Federaalka Soomaaliya, si looga guuleysto Ururada wax loogu yeero Argagixisada ah.

Inta la xaqiijiyay afar dhalinyaro ayaa ku geeriyootay qaraxii ka dhacay Magaalada Kismaayo, halka 5 qof kalena ay ku dhaawacmeen oo laba kamid ah la keenay Magaalada Muqdisho, si xaaladooda Caafimaad loogu dabiibo.

Ciyaartoyda kooxda kubada Cagta ee JCCI ee ka dhisan Kismaayo ayaa xiligii la qarxinayay kusii jeeday, Garoonka kubada Cagta ee Waamo Stadium oo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ka daah-furay horyaalka heerka koowaad ee Jubbaland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor