Baaq loo diray Shacabka ku nool gobolka Banaadir

Afhayeenka ciidanka boliiska Soomaaliyeed oo la haflatay Warbaahinta ayaa baaq u diray shacabka ku nool degmooyinka gobolka Banaadir.

Baaqaan ayaa yimid kadib howlgal ciidamada boliiski ay ka sameeyeen degmada Wadajir ee gobolka Banaadir laguna burburiyay guri lagu samayn jiray maandooriyaba Calaqa loo yaqan.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in dhibaato uu ku hayo Maandooriyahaan bulshada amni ahaan iyo caafimaad ahaanba waxaana shacabka uu ugu baaqay in ay lasoo wadaagaan goobaha lagu sameeyo si looga hortago.

Shalay ayaa taliska boliisku waxa ay soo bandhigeen dhowr qof oo ay sheegeen in ay karinayeen maandooriyaha Calaqaa iyo agabkii lagu samaynayay iyo kuwii lagu iib gaynayay oo ay ku jiraan Haamo iyo caagado waaweyn.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media