Axmed Madoobe “Si hoose ayaa xal looga gaaray Khilaafyadii annaga naga dhex-jiray”

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Islaam Axmed Madoobe ayaa xalay Khubad ka jeediyay Shirka Madaxda Dowladda iyo dowlad Goboleedyada oo ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in maalmihii uu Madaxda u socday kulamada gaar gaarka ah ay Arrimo dhowr ah ay kaga wada-hadleen, isla markaana meesha uu ka baxay Khilaafyadii jiray oo xal laga gaaray,

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa uu tilmaamay inuu Madaxweynaha Puntland ku raacay hadalkiisii uu sheegay ee ahaa in la joogo xilligii Midnimada, ka shaqeynta wadajirka shacabka iyo sidii looga bixi lahaa xaaladda siyaasadeed ee haatan dalka uu ku jiro.

Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulada dalka ayuu ugu baaqay inay sameeyan isku tanaasul, isla markaana laga shaqeyno Midnimada dalka, uuna gaaro sidii looga bixi lahaa marxalada uu ku jiro lana dardar-geliyo Arrimaha lagu heshiiyay.

Isaga oo sii hadlaayay ayaa waxaa uu sheegay in Shirkan Dhuusamareeb ay Madaxda ku yeesheen loo baahnaa in mar hore la isugu yimaado si looga shaqeyo howlaha dhowr ah oo loo baahnaa in la qabto oo dib u dhacay, wuxuuna xusay in waha-dalka uu yahay mid saldhig u ah is fahanka iyo wadashaqeynta

Ugu dambeyn Axmed Madooobe ayaa u mahadceliyay Madaxweyne Famaajo, isagoo sheegay inuu sabab u ahaa qabsoomida wejiga labaad ee Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ay ku yeesheen Galmudug, uuna dulqaad iyo hoggaamin muujiyay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media