Axmed Madoobe oo War kasoo saaray Dacwadda Badda ee Somalia iyo Kenya

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe  ayaa markii ugu horreeyay ka hadlay Dacwadda muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ee dhageysigeedu ka socota Maxkamadda Cadaalada Aduunka ee ICJ.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Axmed Madoobe ayaa waxaa lagu sheegay in Jubbaland iyo shacabkeed ay garab taagan yihiin sidoo kalena rajo weyn ka qabaan in ay guulaysato dooda dalka ee lagu soo celinayo badda ay muranka galisay Kenya.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay inay garab taagan yihiin qareenada iyo xubnaha kale ee maalintii labaad u taagan dooda Dacwada Badda ee u dhexeeysa Kenya iyo Soomaaliya ee taala Xarunta Maxkamadda Cadaaladda Aduunka.

“Waxaan garab taaganahay Qareenada iyo xubnaha kale ee maalintii labaad u taagan dooda Dacwada Badda ee inagala dhaxeysa Kenya ee taala Xarunta Maxkamada Cadaaladda Adduunka” ayuu yiri Madaxweynahu.

Dhamaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ayuu Madaxweyne Axmed Madoobe ugu baaqay inay u midoobaan sidii ay u difaacan lahayeen baddooda, iyagoo wadajira.

“Waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa in si wadajir ah loogu midoobo difaaca Baddeena taas oo ah masuuliyad saaran muwaadin kasta oo Soomaaliyeed. Waana guuleysaneynaa Inshallah” ayuu yiri Madaxeynahu sii raacsiiyay Qoraalkiiska.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor