Axmed Madoobe oo sheegay in G/Gedo laga bilaabayo dhismaha Golayaasha degaanka

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa manta oo Arbaco ah furay kalfadhiga afraad ee Golaha wakiilada Jubbaland. Madaxweynaha ayaa khudbad uu uga hadlay Arrimo kala duwan u jeediyay Xildhibaanada.

Waxaa ugu horayn uu Madaxweynahu tilmaamay in guud ahaan dalka ay ka jirto abaar daran meelaha roobabku ay ka da’eena ay wali ku danbayso saamaynta abaarta oo roob ku filan aanay deegaanada qaar aanay helin.

Madaxweynaha ayaa wuxuu sheegay in barakaca gudaha ah uu yahay mushkilada ugu weyn ee mustaqbalka lala tacaali doono sidii nolol iyo dib u habayn loogu samayn lahaa dadka gudaha ku xoolo beelay ee dulsaarka ku noqday Magaalooyinka.

Waxaa kale oo Axmed Madoobe uu ka hadlay dhaqaalaha oo hoos u dhac balaaran uu ku yimid taas oo ay sabab u tahay dagaalka kasocda Yukrayn taas oo khalkhal guud galisay dhaqaalaha aduunka oo dhan iyo xanuunka Covid-19 oo Wali saamayntiisa ay aduunka ka jirto.

Dhinaca Amniga Madaxweynaha ayaa wuxuu u mahad celiyay ciidamada kala duwan ee hay’adaha amniga oo maalmahii lasoo dhaafay sameeyay howlgalo ka dhan ahaa Al-shabaab.

Dagaalka Al-Shabaab ayuu Axmed Madoobe sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo in loo midoobo isla markana Maamulka iyo Dowladaha xubnaha ka ah ay ka shaqayn doonan sidii si wadajir ah loogu soo afjari lahaa si loo gaaro himilooyinka shacabka Soomaaliyeed ee doorashooyinka qof iyo codka ah iyo Dhamaystirka dastuurka.

Sidoo kale Madaxweyne Axmed ayaa ka hadlay xaalada Gobolka Gedo isagoo sheegay in dhawaan halkaas laga bilaabi doono dhismaha golayaasha deegaanka isla markana la fulin doono dhamaan mashariicdii hakadka ku jirtay mudadii Dowladii hore ay qalalaasaha ka waday gobolka.

Waxaa Madaxweynahu uu dadka gobolkaas ugu baaqay Midnimo iyo wadajir isagoo tilmaamay in wax walba oo jira wada hadal lagu dhamayn doono.

Madaxweynaha ayaa waxaa uu ka codsaday Xildhibaanada inay ansixiyaan labo degmo oo lagu soo kordhiyay Jubbaland kuwaas oo kala ah Buurdhuubo iyo Dhoobleey.

Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay xildhibaanada golaha wakiilada sida ay ugu dhabar adaygeen xaalada guud ee ka jirtay Jubaland sanadahii lasoo dhaafay taas oo tusaale u ah sida ay shacabkooda ula qaybsanayaan duruufaha jiray isagoo si rasmi ah u furay kalfadhiga afraad ee golaha wakiilada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor