Axmed Madoobe oo shaaciyay War ku aadan dagaal beeleedyada

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa soo xiray shirweynaha dib u heshiisinta beelo walaalo ah kal hore ku diriray deegaano ka tirsan Gobolka Jubba Hoose.

Shirkan waxaa sidoo kale kasoo qayb galay Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Jubbaland, labada gole ee Dowlada Odayasha Dhqanka Culimada iyo Sidoo kale beelihii walaalaha ahaa ee dirirtu ay dhax martay,

Madaxweynaha Jubbaland oo madasha ka hadlay ayaa ku dheeraaday dhibaatada ay leedahay dhiiga qof Muslim ah oo macna daro lagu daadiyo, Dowaladuna ay dadaal badan ku bixin doonto sidii arinta loo dhameeyn lahaa.

Shirkan ayuu sheegay inuusan aheyn midkii ugu dambeeyey ee ay isugu yimaadan labbadan beel, wuxuu balan qaaday Madaxweynaha in shirar nabadeen oo is xiga kaasoo hormuud uu u yahay lagu qaban doono goobihii uu dagaaladu ka dhaceen isla markana cid walba laga doonayo in dadaalka nabadaynta ee Dowladu ay wado ay u hogaansanto.

Jubbaland ayuu sheegay Madaxweynaha in aysan mar dambe ka gacan laaban doonin colaad kasoo cusboonata deegaanada ay dagaaladu ka dhaceen, xili labbada beelood ay madasha ka balan qaadeen in ay is cafiyeen mar dambana uusan dhici doonin dagaal dadka deegaanka u dhexeeya.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in dhulka ay Dowladu Masuul ka tahay isla markana qof walba oo ree Jubbaland ah uu dagi karo kuna noolaan karo halkii uu doono waxaa uu intaas ku daray Madaxweynahu in la joojiyo Dhulka la oodayo taas oo yaraynaysa khayraadka daaqa sidoo kalana samaynaysa dhibaato dhinaca Cimilada ah iyo dagaalo soo noqnoqda oo dhul daaqsimeedka la xiriirta.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media