Axmed Madoobe oo shaaciyay in Maamul cusub aan loo magacaabi doonin Gobolka Gedo

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo Maanta dib ugu laabtay Kismaayo, ayaa soo dhaweeyay isbadalka Cusub ee dalka ka hirgalay isagoo xusay in mudo la sugayay doorashooyinka guud ee dalka ka dhacay.

Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay Madaxweynahii hore ee sowlada Federaalka ah Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo shantii sano ee lasoo dhaafay dalka soo hogaaminayay, isla markana aqbalay natiijada doorashada.

Sidoo kale waxaa Madaxweynahu uu u mahad celiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo si naf hurnimo ah ugu istaagay sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho xalaal ah oo loo dhan yahay isla markana natiijadeeda la wada aqbalo, Guddiyada doorashooyinka ayuu sidoo kale Madaxweynahu ku amaanay shaqadii hufnayn ee ay soo qabteen.

Madaxweynaha Cusub ee JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayuu Madaxweynahu Alle uga baryay inuu la garab galo shaqada culus ee hortaala isagoo dhamaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay Dowlada Cusub garab istaagan si shaqooyinka horyaala ay u fuliso iyadoo haysta kalsoonida shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Madaxweynahu ayaa wuxuu sheegay in sanadahii lasoo dhaafay Jubbaland ay dhibaato culus kasoo gaartay khilaafad ay abuurtay Dowlada Federaalka ah gaar ahaan Gobolka Gedo.

Madaxweynaha ayaa waxaa uu sheegay in la xalin doono wax walba oo caqabado ah oo jiray, isla markana caqabadaha gobolkaas ka jiray ay ahayeen kuwo dano gaar ah laga lahaa balse aan qusayn bulshada deegaanka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in maanta laga bilaabo la fasaxay dhamaan tageeradii iyo adeegyadii hormarinta ee gobolka ka xayiraa sanadahii lasoo dhaafay ee heer Federaal iyo heer Jubaland isagoo intaas ku daray in dhismaha golayaasha deegaanka laga bilaabi doono Degmada Garbahareey ee Xarunta gobolka Gedo isla markana aanay jirin maamul Cusub oo gobolkaas loo magacaabayo dadka deegaankuna ay soo dooran doonan dadka matalaya.

Ugu danbayn Madaxweynahu wuxuu sheegay in kala aragti duwanaantii iyo khilaafkii Dowlada Federaalka ah ay gobolkaas ka abuurtay aan cidna loo beegsan doonin dadka deegaanka iyo guud ahaan shacabka Jubbaland ay u siman yihiin xuquuqaha ay xaqa u leeyahiin wax walbana wada hadal lagu dhamayn doono.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor