Axmed Madoobe oo kulan la qaatay Xildhibaano ka tirsan Dowladda

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay Magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay Xildhibaanad labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ku matala Jubbaland.

Kulanka dhexmaray Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Xildhibaanada ayaa waxaa uu ahaa mid la isku xog waraysanayay Xaalada guud ee dalka uu marayo iyo Arrimo kale oo ku aadan deegaanada Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa uu dhamaan Xildhibaanada maamulkaas ku matala labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah uu ku marti qaaday Jubbaland si looga wada tashado Arimaha masiiriga ah ee dalka.

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ku sugan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, RW Xasan Cali Kheyre, Madaxda maamul Goboleedyada dalka iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda, iyadoo halkaas uu uga furmo Shirweyne.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media