Axmed Madoobe oo kulan la qaatay Safiirka Denmark ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe), ayaa kulan la qaatay Safiirka Denmark ee Soomaaliya iyo Kenya Danjire Ole Thonke.

Kulanka ayaa Lagaga hadlay abaaraha ka jira qeybo kamid ah Jubaland kuwaas oo saamayn ku yeeshay nolosha dadka iyo xoolaha iyadoo  gurmad baaxad leh ay Dowlada Jubaland wado kaas oo lagu tageerayo dadka ay dhibaatada abaartu saamaysay.

Waxaa kale oo masuuliyiintu ay wada hadal qoto dheer ka yeesheen arimaha Doorashooyinka, iyo sidii Dowladda Denmark qayb kaga qaadan leheed.

Degaanada Maamulka Jubbaland ayaa waxaa ku dhufatay Abaar saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada, waxaana isi soo taraya qayla dhaanta xooggan ee kasoo yeeraysa degaanno badan oo ka tirsan Maamul Goboleedka Jubbaland, xili Magaalooyinka waa weyn looga dhawaaqay Roobdoon,iyo isu soo baxyo dadku ay Alle ku baryayaan, si Abaarta uu uga dulqaado.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor