Axmed Madoobe oo kulan la qaatay Golihii Isbedel doonka Jubbaland

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam ayaa qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Masuuliyiinta Golaha isbadal doonka Jubbaland.

Waxaa Madaxweynahu uu masuuliyiintan u sameeyay Afur sharafeed iyadoo ay kasoo qaybgaleen dhamaan xubnaha ugu sareeya golahan ee ku sugan Caasimada KMG ah ee Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa masuuliyiintan ku amaanay dadaalka ay kaga qayb qaadanayaan Midnimada iyo wadajirka Bulshada Jubbaland isagoo xusay in tageero buuxda ay Xukuumada Jubbaland la garab taagan tahay.