Axmed Madoobe oo kulan gaar ah la yeeshay madaxa Hay’ada Socdaalka adduunka

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa  Xarunta KMG ah maamulkaas ee Kismaayo ku qaabilay madaxa Hay’ada Socdaalka adduunka IOM ee Soomaaliya Frantz celestin .

Kulanka ayaa lagaga hadlay arrimaha dib u soo celinta qoxootiga iyo tageerada dadka gudaha dalka ay ku saamaysay abaartii bilo kahor dalka ku dhufatay iyo sidii xal waara loogu heli lahaa masiibooyinka dabiiciga ah.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo hadal qaaday sidii dib u dajin loogu sameyn lahaa qaxootiga ku soo guryo noqonayo gudaha dalka iyo barakacayaasha ku sugan qeybo ka mid ah qeybo Gobollada Jubbooyinka.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor