Axmed Madoobe oo kulan gaar ah la yeeshay Guddiga Doorashada Jubbaland

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa xalay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose kulan kula qaatay Guddiga maamulaya Doorashooyinka ka dhacaya Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Guddiga doorashooyinka Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee deegaanada Jubbaland ku booriyay in ay howsha doorashada u maamulaan si hufan oo caddaalad iyo daahfurnaan leh.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Guddiga uu la kulmay u sheegay in muhiim ay tahay in doorashada labada Aqal ee ka dhacaya Magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaarey ku dhacaan, si hufan oo caddaalad iyo daahfurnaan leh.

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Siyaad Maxamed Mursal oo kulanka ka hadlay ayaa Madaxweyne Axmed Madoobe uga mahadceliyay dadaalka uu wado ee ku aadan doorashada iyo boggaadinta uu u jeedinta xubnaha Guddigooda.

Dhawaan ayey markii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble uu sheegay in Axmed Madoobe uu kula xisaabtami doono doorashooyinka ka dhacaya Jubbaland, isla markaana  Maamulka doorashadaas hoos geeyay Madaxweynaha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor