Axmed Madoobe oo ku wajahan Garoowe iyo u jeedka Safarkiisa

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa la filayaa saacadaha soo aaddan uu gaaro inuu magaalada Garowe ee xarunta dowlad Goboleedka Puntland.

U jeedka Safarka Madaxweynaah Jubbaland ayaa lagu sheegay in wadatashiyo ku saabsan arrimaha doorashada uu layeelan doono Madaxweyne Saciid Deni.

Qaban qaabaada Soodhaweynta Axmed Madoobe ayaa lag dareemaya caasimadda Puntland,waxaana uu kasoo bixitimayMagaalada kismaayo ee xarunta ku meelgaarka u ah Jubbaland.

Maamulda Puntland iyo Jubbaland ayaa ah xulufo siyaasadeed, marka ay timaadana siyaasadda dhinaca Federaalka aragti mideysan ka leh.

Wada hadalada Garowe ku dhex mari doono Labada Madaxweyne Dowlad Goboleed ayaa ah mid ay ku galayaan bacyadii u dambeysay ee doorashada, waxaana la hadal hayaa in Madaxweyne Deni uu yahay Musharax Madaxweynaha Soomaaliya, inkastoo aanu weli caddeyn.

Kulanka laabda mas’uulayaa imaanaya iyadoo doorashada Golaha shacabka ay dhawaan billaaban doonto,waxaana magaalooyinka waa weyn ee maamulada dalka ka jira laga dareemaya diyaar garowga doorashada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor