Axmed Madoobe oo ka jawaabay dalab kaga yimid  Guddiga Doorashooyinka Jubaland

Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam oo ka jawaabaya talo soo jeedintii Guddiga Doorashooyinka Jubaland ayaa Cabdi Xuseen Cali u ogolaaday inuu u tartamo mid ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee beeri lagu dooranayo Kismaayo.

Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Jubbaland oo qoraal soo saaray ayaa Madaxweynaha Jubbaland ka dalbaday in uu soo gudbiyo badalka mid kamid ah xubnihii kujiray liiska musharaxiintii uu soo gudbiyey, kaas oo sabab la’aan uga baaqday maanta in uu is-diiwaan galiyo, si loo siiyo shahaadada musharraxnimada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor