Axmed Madoobe oo ka hadlay Khilaafka Dowladda Federaalka iyo Jubbaland

Madaxweynaha Jubbaland Axmed  Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa waxaa uu ka hadlay Khilaafka siyaasadeed ee mudada dheer u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jubbaland.

Waxaa uu sheegay Madaxweyne Axmed Madoobe in Jubbaland ay diyaar u tahay wakhti walba in wada hadal lagu xaliyo waxyaabaha lagu kala aragti duwan yahay ee u dhxeeeya maamulkiisa iyo dowladda.

Isaga oo sii hadlaayay Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa uu Carabka ku dhuftay in Dowlada Federaalka looga baahan yahay inay ay qaadato doorkeeda la xiriira isku haynta dadka iyo sidii wadajir loogu wajahi lahaa qorshayaasha hortabinta leh.

Dhinaca kale wuxuu sheegay in dhibaatada aduunka saamaysay ee Xanuunka Covid-19 ay tahay mushkilad u baahan in dadku ay raacan fariimaha iyo talooyinka Hay’adaha Caafimaadka dalka maadama aan wali daawo loo haynina ay dadku kala fogaadan si looga hortago in xanuunkan uu ku faafo Bulshada isagoo xusay in kala fogaanshaha Bulshada ay ka bilaabato Xarumaha Dowlada dadkuna ay raacaan tilmaamaha iyo talooyinka howlwadeenada Caafimaadka .

Goobaha Ganacsiga Masaajidada ah iyo meelaha kale ee dadku ay ku badan yihiin ayuu Madaxweynahu sheegay in laga fogaado taas oo xalka kaliyah ee lagu yarayn karo faafida Xanuunkan.

Waxaa uu intaas ku daray Madaxweynahu in dhibaatooyinka dabiiciga ah ay yihiin kuwo u baahan in gurmad deg deg ah laga sameeyo isagoo xusay in xili roobaadkan ay jiraan fatahaado iyo daadad dhibaato ku ah Bulshada tabarta yar si gaar ahna deegaanada Jubbaland ee ilaa hada dhibaatooyinka laga soo sheegay ayuu xusay Madaxweynahu inay kamid yihiin Degmada Baardheere iyo qaar kamid ah Jaziiradaha Gobolka Jubbada Hoose dhamaan dhinacyada ay qusayso ayuu ugu baaqay inay ka qaybqaatan gurmadka loo samaynayo dadka ay saamaynta ku reebeen xaaladaha dabiiciga ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media