Axmed Madoobe oo Caawa kulan la qaatay Guddiyada Doorashooyinka dalka

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa kulan la qaatay Guddiyada hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed iyo heer federaal, guddiga xalinta khilaafadka iyo xubnaha dowlada Jubbaland ku mataya guddiga la taliyayaasha farsamo ee Golaha wadatashiga qaran.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa xubnahan ku booriyay inay dardar-galiyaan shaqooyinka muhiimka u ah Bulshada Soomaaliyeed ee ay gacanta ku hayaan.

Guddiyada doorashooyinka ayaa waxaa ay sheegeen inay dardar-gelinayaan doorashada dhaceysa, isla markaana ay ka shaqeyn doon sidii ay u qabsoomi laheyd doorasho loo dhan yahay.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Guddiyada doorashooyinka dalka uga mahadceliyay dadaalka ay wadaan, isagoo ka dalbaday inay sii laba jibaaran shaqooyinka ay gacanta ku hayaan.

Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha, Urrurada Bulshada Rayidka iyo Odayaasha dhaqanka ay diideen habraacii doorashada Golaha Shacabka oo ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor