Axmed Madoobe iyo AMISOM oo ka wada hadlay u diyaargaroowga doorashooyinka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa magaalada Kismaayo ku qaabbilay taliyaha ciidamada AMISOM Jeneral Diomede Ndegeya, iyo ku xigeenkiisa maj gen w k Shume, oo booqasho ku tagay Jubaland.

Madaxweynaha iyo sarakiishan kasocotay AMISOM ayaa ka wada hadlay howlaha sugidda amniga doorashooyinka iyo sidii si wadajir ah loogu fulin lahaa howlgallada nabadgalyada lagu sugayo.

Jubbaland ayaa hadda isu diyaarineysa qabashada doorashada Aqalka hoose ee barlamaanka Soomaaliya, markii ay dhowaan soo dhammaystirtay xubnihii ka harsanaa Aqalka sare ee maamulkaasi ku matalayay baarlamaanka Aqalka sare ee dalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor