Axmed madoobe “falkii lagu dhiibay Qalbidhagax waxaa uu  ahaa mid ceeb ku ah qaranimada”

Madaxweynaha maamul-goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa soo dhoweeyay go’aankii golaha wasiirrada dowladda federaalka Soomaaliya ay maanta ku laaleen go’aan 2017-kii ay gaareen golihii wasiirrada ee ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.

Qoraal uu soo dhigay barta Facebook ayuu ku yiri: “Waxaan soo dhawaynayaa go’aanka wanaagsan ee ay maanta Xukuumada Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku saxday qaladkii taariikhiga ahaa ee ay hore DFS ugu aqoonsatay ururka ONLF inuu yahay urur argagixis,”.

Axmed Madoobe ayaa Sidoo kale u mahad celiyay golaha wasiirrada: “Waxaan u mahad celinayaa Golaha Wasiirada ee Federaalka garwaaqsiga ay garwaaqsadeen in falkii lagu dhiibay muwaadin Cabdikariim Sheikh Muuse(Qalbidhagax) ahaa fal qalad ah, ceebna ku ahaa qaranimada iyo sharafta umadda Soomaaliyeed.”

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor