Axmed Madoobe “Doorasho kuma dhaceyso sida xiligaan wax u socdaan”

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa ka hadlay Arrimaha doorashooyinka dhacaya dhammaadka sanadkaan 2020/2021 iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Axmed Madoobe oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in muhiim ay tahay in Doorashadii lagu heshiiya ay ku dhacdo waqtigii loogu tala-galay, isla markaana Madaxda dowladda iyo kuwa maamulada ay fuliyaan heshiiskii la gaaray.

Waxaa uu sheegay Axmed Madoobe in laga sugayo soo magacaabista Guddiyada doorashooyinka, balse halkii ay howlgeli lahaayeen ee Kismaayo iyo Garbahaarey lagu sii daayay wax uu ugu yeeray Jabhado sheeganaya inay ka tirsan maamulkiisa ee Jubbaland.

Sidoo kale Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa tilmaamay inay diyaar u yihiin inay Jubbaland magaalooyinkeeda ay ka dhacaan Doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka, isagoona ugu baaqay Madaxda dowladda inay fuliyaan heshiiskii Doorashada.

Isaga oo sii hadlaayay Axmed Madoobe ayuu shuruud ku xiray in Magaalada Garbahaarey ay ka dhacdo doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka, wuxuuna caddeeyay in halkaas Doorashada uga dhici karto oo kaliya markii Gobolka Gedo laga saaro Ciidanka dowlada Federaalka Soomaaliya, gacanta Jubbalandna lagu soo celiyo.

“Dadka maanta Mas’uuliyadda dowladda Federaalka ay saaran tahay ee Madaxweynaha iyo cida kale waa inay kala saaraan habraaca doorashada sida ay u dhaceyso doorashada iyo Ololahooda siyaasadda” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in xiligaan sida ay wax ku socdaan ee afduubka ah aysan marnaba ku dhici doonin doorasho, isla markaana dalka Soomaaliya uu u baahan yahay in wixii lagu heshiiyay la fuliyo, isagoo taageeray Shirkii Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya yeesheen.

Hadalkaan ayuu Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ka sheegay Magaalada Kismaayo, kadib markii uu Maanta dib ugu laabtay halkaas oo maalmihii lasoo dhaafay uu ka maqnaa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media