Axmed Karaash oo Maanta daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee deegaanada Puntland

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta daah-furay Imtixaanka Sanad dugsiyeedka 2021-2022.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo Imtixaanka ka daahfuray dugsiga Sare ee Gambool ayaa hambalyo u diray Ardayda saaka u fadhiisatay Imtixaanka oo ka kooban 18550 Arday oo isugu jira Fasalka 4-aad ee dugsiga Sare iyo Fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe.

Dugsiga sare waxaa sanadkan u fadhiistay Imtixaanka 5940 Arday oo kala ah 3667 Wiil iyo 2273 gabdhood, halka dugsiga dhexe ay u fadhiisteen 12610 arday oo kala ah 5308 gabdhood iyo 7302 Wiil, Imtixaanka ayaa saaka ka furamay 136 goobood iyada oo ay fulinayaan 948 Macalin iyo 189 hawl-wadeen.

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa uga mahadceliyay bahda waxbarashada shaqada wanaagsan ee ay hayaan,

‘’Waxaan u mahadcelinayaa  guud ahaan bahda Wasaarada  Waxbarashada Puntland oo runtii marwalba heegan u ah inay horumariyaan  waxbarashada iyo manaahiijta Puntland, Anigoo og in duruufo badan ay jiraan hadana marwalba heegan ugu jira sidii waxbarashadeenu  u sugnaan  lahayd’’.

Dhanka kale Kusimaha Madaxweynaha ayaa xusay in dowlad Goboleedka Puntland ay ka go’an tahay horumarinta waxbarashada. Ugu dambayn Madaxweyne ku xigeenka ayaa faray masuuliyiinta gacanta ku haya hawshan inay feejignaan dheeri ah muujiyaan mudada Imtixaanku socdo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor