Axmed Karaash oo Amar siiyay Hay’addaha Maamulka Puntland

Ku-simaha Madaxweynaha Puntland ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo ka dhacay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa waxaa todobaadkan looga hadlay Amniga, Warbixinta safaro wafdi Wasiiro ah ku tageen Gobollada Gardafuu iyo Karkaar iyo Ansixinta Xeerka Dalxiiska Puntland.

Golaha ayaa dood dheer kadib cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Xeerka Dalxiiska Puntland, oo ay Golaha usoo gudbisay Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Dalxiiska, Hidaha iyo Dhaqanka Puntland.

Ku-simaha Madaxweynaha Puntland ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa warbixino ka dhegaystay Wasaaradaha kala duwan ee Maamulka, wuxuuna boggaadiyay shaqada socota.

Ugu dambeyn Axmed Karaash ayaa faray Hay’addaha Maamulka dhammaan in lasii dardargeliyo shaqooyinka xiligan oo Puntland ay kusoo wajahan yihiin labo Doorasho mida Goleyaasha deegaanka ee hal cod iyo hal qof iyo tan Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor