Axmed Ciise Cawad oo diiday xil uu Madaxweyne Farmaajo u magacaabay

Axmed Ciise Cawad Wasiirkii hore arrimaha diabdda Soomaaliya ayaa ka hadlay Xil ka qaadista lagu sameeyay, waxaana u sheegay wax xil ah uusan diyaar u ahayn qabashada Xil dowladeed, haddii uu ahaan lahaa mid dibadeed iyo mid kale toona.

Waxaana Maadxweyne farmaajo uu Wasiir Cawad u magacaabay Safiir, basle waa uu iska diiday in uu qabto Xilkaasi loo soo bandhigay Wasiirkii hore ee Arrimaah dibadda.

Wasiirka Warfaafinta Xukumadda Federaalka Soomaaliya oo wareegtada Xilka looga qaaday Wasiir Cawad aqrinaayay ayaan shaacin waddanka loo soo bandhigay Wasiirka in uu safiir ka noqdo.

“Madaxweynuhu waa ku mahadsan yahay xilkii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee la ii magacaabay 4tii November 2018. Abaal ayaan Madaxda dalka iyo ummadda Soomaaliyeedba uga hayaa. Waxaan halkaan ku caddaynayaa inaanan hadda diyaar u ahayn xil aan qabto mid Safiirnimo iyo mid kale toonna” ayuu yiri Axmed Ciise Cawad oo qoraal soo saaray kadib Xilka qaadistii lagu sameeyay.

Wareegto ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaharaha Soomaaliya ayaa waxaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya loogu magacaabay  Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, kaasi oo badali doono Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibada Dalka Axmed Ciise Cawad.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media