Atooraha Badda Liido oo goordhaweyd lagu dilay Muqdisho

Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil goordhaweyd ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xaafadda Taleex ee Degmada Hodan.

Wararka aynu helnay ayaa sheegaya in Cismaan Salaad Daahir oo ku magac dheeraa “Atooraha Badda Liido” lagu dilay Xaafadda Taleex ee Defmada Hodan, waxaana dilka fuliyay sida dad goob joogayaal ah ay sheegeen dabley hubaysan.

Cismaan Salaad Daahir ayaa ka mdi ahaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaana sidoo kale uu ka mid ahaa dhalinyarada sida weyn looga garanayo caasimadda.

Sidoo kale waxaa lagu xasuustaa Caawinta iyo u gar-gaaaridda dadka danyarta ah, oo baraha bulshada ayuu kasoo muuqan jiray isagoo ku guda jira howlo samafal ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor