Askari qoyskiisa ku Qarxiyay Magaalada Muqdisho iyo khasaaro ka dhashay

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xalay fiidnimadii hore ee xalay ka dhex dhacay Guri ku yaalla xaafadda Cali Kamiin ee degmada Warta-nabadda ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo geystay khasaaro kala duwan.

Qaraxaas oo ahaa Bam gacmeed ayaa waxaa la sheegay inuu Bamka la galay guriga Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka, waxaana inta uusan qarxin Bamka uu muran soo kala dhex-galay Askariga iyo qoyskiisa oo xiligaas intooda badan ku sugnaa guriga.

Dad deris la ah guriga uu qaraxu ka dhacay ayaa ku warramay in Askariga oo isticmaalay waxyaabaha maanka dooriya uu isaga oo careysay guriga galay, daqiiqado kadibna ayla maqlay jugta qaraxa, isla markaana waxaa ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray qoyskiisa oo ku sugnaa hal Qol.

Laba Caruur ah ayaa ku geeriyootay qaraxaas oo mid kamid ah Askariga falkaas geystay uu dhalay, waxaana ku dhaawacmay lix ruux oo ku jirtay hooyada dhashay Askariga, wallaalihiis, Caruur uu Abti u ahaa iyo adeerkiisa, kuwaasi oo ku sugnaa Guriga.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka iyo qaar kamid dadkii deriska la ahaa qoyska dhibaatada gaartay ayaa tegay guriga, iyagoona gurmad xoogan ay u fidiyeen dadkii waxyeelada kasoo gaartay qaraxaas, waxaana la geeyay xarun Caafimaad.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aadan qaraxii xalay ka dhacay degmada Warnta-nabadda ee Gobolka Banaadir, kaasi oo siweyn dadka xaafadda Cali Kamiin ay aad u hadal hayaan saakay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media