Askari Maraykan ah oo loo haysto inuu dab qabadsiiyay markab dagaal

Ciidanka badda Maraykanka ayaa dacwad ka gudbiyay askari loo haysto in sanadkii 2020 uu dab qabadsiiyay markab dagaal oo lagu magacaabo USS Bonhomme Richard.

Askariga oo aan magaciisa la shaacin ayaa loo haystaa in uu dab qabadsiiyay gudaha markabka, kaasoo khasaaro baahsan dhaliyay, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidanka badda oo lagu magacaabo Sean Robertson.

Markabka oo xilliga uu dabka ka kacayay ku xirnaa dekadda San Diego, California ayaa demintiisa waxa ay qaadatay muddo afar maalmood ah.

Ugu yaraan 40 askari iyo 23 qof oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay dabkaas.

War qoraal ah oo uu soo saaray afhaayeenka ayaa lagu sheegay in askariga “uu xilligaas kamid ahaa shaqaalaha markabka Bonhomme Richard.”

“Caddeymaha la ururiyay inta uu socday baaritaanka ayaa ku filan in maxkamad lagu soo taago eedeysanaha iyadoo la raacayo hannaanka garsoorka milateriga,” ayuu yiri afhayeenka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor