Askari lagu dhex dilay Saldhigga Booliska Magaalada Dhuusamareeb

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Askari ka tirsanaa Booliska magaalada Dhuusamareeb oo xalay la sheegay in lagu dhex dilay Saldhigga Booliska Magaaladaasi.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Askariga lagu dhex dilay Saldhigga magaalada, waxaana wararku intaas ku darayaan in Askari kale oo ay shaqada ay iskula jireen uu ka dambeeyay dilka Marxuumka, waxaana la helayaa warar kala duwan oo ku aaddan dilka Askarigaasi.

Askariga la dilay ayaa waxaa lagu magacaabu jiray Cumar Ballicad, waxaana uu ka tirsanaa Marxuumku Booliska magaalada Dhuusamareeb, dilka ayaana dhacay sida wararku sheegayaan xalay saqdii dhexe, iyadoona Askariga ka dambeeyay dilka Magaciisa lagu soo Koobay Cabdi Qani Naasir, kaasi oo shaqada kula jiray Askariga uu dilay.

Wali Saraakiisha Ciidanka Booliska Magaalada Dhuusamareeb wax war ah kama soos aarin dilkaasi, sidoo kale ma jiraan warar intaa ka dheeri ah laga helay dilkaasi, lamana sheegin sababta Askariga ku kalliftay in uu dilo Marxuumka shaqada kula jiray.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor