Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda oo Darawal Gaari si bareer ah ugu dilay Shabeellaha Dhexe

Faah faahino ayaa laga helayaa Askari ka tirsan ciidanka Maamulka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe oo Maanta darawal gaari si bareer ah ugu dilay Bar-koontarool oo ku taalla degmadaas.

Darawalka la dilay oo lagu Magacaabi jiray Seylax Cabdulle ayaa xilliga la dilayay waday gaari Hoomey ah, isaga oo ka baxay Magaalada Muqdisho, kuna wajahnaa degaanka Caadleey ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Askariga falka geystay uu baxsaday, qaar kamid ah qoyska Marxuumka dhintay ayaa tegay goobta uu falka ka dhacay, isla markaana halkaas ka qaaday Meydka, oo Maanta la aasi doono.

Inta badan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee jooga baraha koontaroolada ayaa dilal mararka qaarkood u geysta darawalada gaadiidka kaxeeya, waxaana falalkaas ay ku yimaadaan Murano ka dhasha lacag laga qaado gaadiileyda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor