Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Kenya oo Qaniinyo lagu dilay

Askari ka tirsanaa Ciiddanka Difaaca Kenya ee KDF ayaa la  sheegay inuu geeriyooday, kadib, markii ay Xaaskiisa si xad-dhaaf uga qaniintay qeybo ka mid ah Jirkiisa.

Dhacdadaasi waxay shalay oo Axad ahayd (April 4th) ka dhacday Deegaanka Kahawa Wendani. Ninka la dilay oo lagu magacaabi jirey Daniel Omollo Onyango oo 37-jir ah waxa uu ahaa Askar Dable ah oo ka tirsanaa Ciiddanka Kenya ee fadhigooda yahay Xerada Gigil KDF Camp.

Haweeneydiisa oo lagu magacaabo Violet Asela Emu, laguna naanayso Zian Achama oo 27-jir ah waxaa la sheegay inay qol ka kireysatay Kasaraani arrimo la xiriira Ganacsigeeda Fanka, wuxuuna Go’aankeeda u muuqdaa mid uu Saygeeda ka carooday.

Dadka deriska ayaa waxaa ay sheegeen inuu Lamaanahaasi saqdii dhexe ee habeenkii Axada soo galaysay uu dhex maray Muran Adag iyo Dagaal, iyadoo Haweeneyda ay saygeedii ka qaniintay Suulka, Laabta, Dhabarka iyo Garabka.

Haweeneyda wax qaniintay waxay Saygeediisa gurmad ahaan ugu qaaday Gaari uu lahaa oo noociisu ahaa TOYOTA VITZ, si ay u geyso Xarunta Caafimaadka ee Kahawa Garrison health centre, balse, waxay jidka kula kulmeen Gaariga Gurmadka Degdega ee Xaruntaasi, iyadoo ay Kalkaaliso xaqiijisay inuu Askarigu geeriyooday, loona baahan yahay inay maydka dib ugu celiso guriga, kadibna ay Boliska u yeerto.

Boliska ayaa la wareegay Kiiska, waxaana socda baaritaanka qaabka uu u dhacay dilkaasi iyo waxa ay Haweeneyda u adeegsatay dilkiisa.

Q/W: Ustaad Nuradin.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor