Askari ka tirsan Ciidamada Cabdirashiid Janan oo Dil iyo dhaawac geystay

Wararka aan ka heleyno degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo aya  waxaa ay sheegayaan in xalay Xero ku taalla degmadaas uu Askari ka tirsan Ciidanka Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland dil iyo dhaawac ugu geystay Askar kale oo ka tirsan Ciidanka Janan.

Dad ayaa ku warramay in Askariga ka tirsan Ciidanka Cabdirashiid Janan uu rasaas xoogan ku furay Askar kale oo kamid ah Ciidanka oo ku sugnaa Xero, waxaana rasaasta ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay rasaasta uu furay Askariga ayaa waxaa ku geeriyooday saddex Askari oo kamid ahaa Ciidamada Cabdirashiid Janan, halka laba kalena ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi oo la geeyay Isbitaal ay leeyihiin Ciidamada.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayan in Askariga dilka geystay uu goobta ka baxsaday, isla markaana Ciidanka dowladda Federaalka ee ku sugan degmada Balad-xaawo ay wadaan baaritaano ay ku soo qabanayaan.

Wasiirkii hore ee amniga Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa dhawaan heshiis la galay dowladda Federaalka, waxaana Ciidan iyo gaadiid uu watay ku wareejiyay dolwadda Federaalka, kuwaasi oo xero lagu xareeyay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor