Askari dilay Dhalinyaro ku sugneyd Garoon ay ka socotay Ciyaar oo xukun lagu riday

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maanta xukun ku riday Askari ka tirsan Ciidanka Nabadsugida dowladda ee ku sugan degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo, kaasi oo si bareer ah u dilay rag dhalinyaro ah.

Maxamed Cali Xuseen oo ah Askari ka tirsan Ciidanka NISA ee Balad-xaawo ayaa dhawaan Garoon kubadda Cagta oo ku yaalla degmadaas ku dilay laba Wii loo dhalinyaro ah oo daawanayey Ciyaar ka socotay Garoonka uu falku ka dhacay.

Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo dhageysatay dad marqaatiyaal ah ayaa caddeeyay in dable Maxamed Cali oo saaran Mooto Bajaaj uu rasaas ku furay Garoonka, ayna ku dhinteen Sakariye Axmed Gaarane iyo Axmed Sharmaake C/llaahi.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qeybta 27-aad Maxamed Aamiin Cabdulle Aadan ayaa ku dhawaaqay in xukun dil toogasho ah lagu riday Maxamed Cali Xuseen oo dilay labada Marxuum oo daawanayey Ciyaar ka socotay Garoonka uu falku ka dhacay.

Allaha u naxariistee Sakariye Axmed Gaarane iyo Axmed Sharmaake C/llaahi ayaa kamid ahaa dhalinyarada degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya, iyagoona u geeriyooday rasaas uu ku furay Maxamed Cali oo ka tirsan Ciidanka dowladda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor