Askari dil u gaystay Darawal Gaari oo gacanta lagu soo dhigay

Waxaa goordhaweyd gacanta lagu soo dhigay Askari Barqanimadii maanta Darwal Gaari si bareer ah ugu dilay degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Gacan ku dhiiglaha oo goobta isaga cararay markuu dilka gaystay ayaa waxaa lagu guulaystay in lasoo qabto xili uu ku dhuumaalaysanaayy Beer ku taalla degmadaasi, waxaana haatan Xabsiga lasoo dhigay Askarigaasi.

Askariga lasoo qabtay ayaa waxaa la sheegay inuu 10 kun oo shilin darteed uu u dilay darawalka, waxaana dilkaasi uu ka dhacay kontrool ku yaalla degmada Balacd halkaasi oo isbaaro u taallay gacan ku dhiiglaha.

Ciidanka ammaanka ayaa haatan gacanta ku haya Askariga dilka gaystay, waxaana loo gubin doonaa hay’adaha ku shaqada leh.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor