Askari Dil iyo dhaawac ka geystay Muqdisho iyo faah faahin kasoo baxeysa

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Askari ka tirsan Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya oo gelinkii dambe ee shalay Nin Odey ahaa ku dilay qeyb kamid ah degmadan Hodan ee Gobolkaan Banaadir.

Goobjoogayaal la hadlay Dalsan ayaa u sheegay in falkaas lagu dilay Odeyga uu ka dhacay meel ku dhow daarta Seeybinaayo ee Hodan, isla markaana Askariga uu rasaas dhowr ah ku furay Mooto Bajaaj uu la socday Ninka, xili uu mararyay halkaas.

Rasaasta ayaa Odeyga ka haleeshay qeybaha sare ee jirka isagoo u geeriyooday rasaastii ku dhacday, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay Darawalkii waday Mooto Bajaajta xabadda lagu furay, kaasi oo la geeyay Xarun Caafimaad.

Dad yaqaanay Marxuumka geeriyooday ayaa magaciisa ku sheegay Nabadoon Muxumad Cismaan Cagey Bidaar, isla markaana waxaa goobta uu falku ka dhacay si dhaqsi ah uga baxsaday Askarigii ka tirsnaa Ciidanka Booliska ee falkaas geystay.

Askarta ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mararka qaarkood si bareer ah shacabka ugu dila gudaha Magaalada Muqdisho, waxaana horey Caasimadda loogu dilay dad shacab ah iyo Darawalo ka shaqeysan, loona dilay sababo kala dwuan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media