Askar u dhalatay dalka Burkino Faso oo la dilay

12 Askari ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo ka dhacay meel ku dhow Xuduudka uu dalkaasi la wadaagaan dalka Maali.

Wasiirka Isgaarsiinta ee dalkaasi, Oseeni Tambuura waxa uu sheegay in xubno ka tirsan Ciiddanka dhulka iyo kuwa sida Degdega farangelinta u sameeya jidka loo galay, iyadoo 12 Askari la dilay, halka 8 kalena la dhaawacay.

Ma cadda Kooxda weerarka geystay iyadoo ay inta badan Maleeshiyo taabacsan BOKO XARAAM iyo Daacish ka hawl-galaan Xuduudka ay wadaagaan dalalka Burkino Faaso iyo Maali.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor