Askar ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland oo ku biiray Ciidamada PSF

Saraakiisha Ciidamada hay’adda PSF ayaa Maanta soo Bandhigay Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa daraawiishta Puntland oo ay sheegeen inay ka goosteen dhinaca Maamulka Puntland, waxaana Ciidankaas ay tiro ahaan gaarayaan 86 Askari.

Sarkaal u hadlay Ciidamada ku biiray hay’adda PSF ayaa u sheegay inay kamid ahaayeen kuwa daraawiishta Puntland, isla markaana ay u soo wareegeen dhinaca PSF, wuxuuna sheegay inay yihiin Askar tiro ahaan dhan Askari 86, kana soo baxay furimaha hore.

Waxaa uu Carabka ku dhuftay Sarkaalka in la doonayay inay dagaal la galaan kuwa PSF oo ay isku difaac ugu jireen kooxaha kasoo horjeeda Puntland, isla markaana arrintaas kasoo horjeedan, taasina ay keentay inay iyaga ku biiraan.

Tallaabadan ayaa ku soo aadaya xilli saacado ka hor Duqa Magaalada Boosaaso uu sheegay in Ciidanka PSF ay laba galab kala noqdeen garab kamid ah ku biiray dhinaca Agaasimaha cusub Amiin Cabdullaahi Xaaji Khayr halka garabkii kale weli la joogaan Agaasime Maxamuud Cismaan Diyaano.