Faah faahino dheeraad ah ayaa kaso baxaya khasaaraha ka dhashay weerar dagaalamayaasha Alshabaab ay ku qaadeen ciidamo ka tiirsan kuwa Itoobiya oo socdaal ku marayay deegaano ka tirsan gobolka Baay.
Weerarkaan oo ahaa mid dhabba gal ah ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa degmooyinka Qansaxdheere iyo Berdaale oo ka wada tirsan gobolka Baya ee Koonfurta Soomaaliya.
Warar kale oo la helayo aya sheegaya in weerarada qaar loo adeegsaday qaraxyo nooca miinooyinka dhulka la geliyaha oo khasaraha ugu badan uu ka dhashay,dad goobjoogayaal ah ayaa dhankooda sheegay in ay maqalayeen jug culus iyo rasaas halkaasi ka dhaceysa.
Kolonyada ay la socdeen ciidamada Itoobiya ee werrarka ay ku qaadeen Alshababa ayaa la sheegay in waxyeelo iskugu jirta dhimasho iyo dhaawac ay kasoo gaartay weerarkaas.
Alshabaab ayaa sheegtay in tobaneeyo Askari ay ku dileen qaraxyada iyo weeraradaas tooska aha asidoo kalana ay jiraan dhaawacyo in kasta oo aysan sheegin waxyeelada iyaga soo gaartay.