Askar horey u dishay Muwaadin Soomaali oo wax Dacwad lagu soo oogi doonin

Saddex Sarkaal oo ka tirsan Boliska magaalladda Minneapolis ee Gobalka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa la sheegay inaysan wajahi doonin Dacwad ku aadan inay Muwaaadin Somali-Maraykan  lagu magacaabi jirey Dolaal Ciid ku dhaawaaceen bishii December 30-dii ee sanadkii 2020-kii.

Dacwad-oogayaasha waxay sheegeen in Marxuumka la toogtay, xilli la baarayey inuu ku lug lahaa Ganacsiga Hubka.

Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Gobalka Dakota, Kathy Keen ayaa sheegtay kadib, markii dib loo eego Kiiskaasi la ogaaday inaysan jirin wax asaas u noqon kara inay saddexda Askari  ku muteysan karaan dacwad dembiyeed.

Waxay kaloo sheegtay inay  Saraakiisha ka fursan waayeen inay Dolaal Ciid toogtaan, kadib, markii uu rasaas ku soo furay.

Waaxda Boliska mgaalladda Minneapolis weli wax qoraal ah kama soo saarin Baaritaanka Dacwad-oogaha ee Kiiska dilka ee Doolaal Ciid loo geystay.

Dhinaca kale, Agaasimaha Golaha Xiriirka Muslimiinta Maraykanka, Jaylaani Xuseen  waxa uu tilmaamay in Qoyska Doolaal Ciid doonayaan inuu Guddoomiyaha Gobalka Minnesota, Tim Walz uu Kiiskasi ku wareejiyo Xeer-Ilaaliyaha Gobalkaasi, Keith Ellison.

Waxa uu intaasi ku daray inaysan Qoyska Marxuumka kiiskaasi  weli arkin Muuqaalka Kaameerada jirka ku xirtaan Boliska, balse ay ogaadeen inaan Saraakiisha Boliska ee dilka geysatay aan wax dacwad ah lagu soo oogi doonin.

Dibdbaxyo looga soo horjeeda dilka Doolal Ciid ayaa waxay ka dhaceen magaalladda Minneapolis, iyadoo ay ka qeyb galeen Qoyska Marxuumka, Jaalliyada Soomaalida  iyo dadka ku nool Gobalka Minnesota.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor