Arday Somali oo qorsheynayey inuu wax ku soo barto Masar oo lagu dilay London.

Maxkamadda Bromley magistrates’ court ee magaalladda London ayaa amartay in Xabsiga lagu sii waayo Wiil Somali oo 16-jir ah, kaasi oo dhawaan dilay Wiil kale.

Marxuumka la dilay oo la oran jirey  Usama Ali ayaa waxaa la sheegay inuu u soo ambabixi lahaa dalka Masar, si uu ugu soo dhamaysto Waxbarashadiisa.

Hooyadda dhashay Marxuumka oo lagu magacaabo Sacdiya Barre ayaa sheegtay in Wiilkeeda uu u geeriyooday Toorey Wadnaha loogu dhuftay, xilli uu ku sugnaa Galbeedka magaalladda London.

Hooyadda waxay sheegtay inuu Wiilkeeda u ambabixi lahaa magaalladda Qaahira, balse si lama filaan loo dilay.

Waxay kaloo sheegtay inaysan ku sii noolaan Karin magaalladda London oo  noqoto magaallo aad u khatar badan.

Dhinaca kale, dilka Mraxuumkaasi waa Falkii 15-aad oo dhallintarro Soomaaliyeed sannadkan lagu dilay London.

 

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor