Arday Macalinkoodii Dugsi Qur’aanka ku dilay degaan ka tirsan Gobolka Mudug

Wararka aan ka heleyno deegaan duleedka ah Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in gabaldhicii galabta lagu dilay halkaas Macalin Dugsi Qur’aan oo aad loo yaqaanay.

Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in Macalinka Dugsi Qur’aanka lagu dilay deegaanka Laan-Kadawo ee duleedka Koonfureed Magaalada Gaalkacyo, xili uu ku sugnaa hoygiisa, isla markaana uu dhex jiifay.

Laba wiil oo kamid ah Ardeyda Dugsi Qur’aanka ayaa la sheegay inay macalinkoodii Dugsiga ee barayey Qur’aanka dileen, iyagoona dilkiisa u adeegsaday Faas ama maqar oo qeybaha sare ee jirka uga dhufteen, isagoona goobta ku geeriyooday.

Allaha u naxariistee Macalinka ayaa lagu magacaabi jiray Cadisalaan Maxamuud Ilka-weyne, waxaana Ardeyda ay ugu tageen gurigiisa oo ku yaalla deegaanka Laan-Kadawo, welina lama oga sababtay keentay falkaas dhacay.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in rag dhalinyaro ah oo kamid ah dadka deegaanka Laan-Kadawo ay gacanta ku dhigeen Ardeydii dishay macalinkoodii Dugsi Qur’aanka, kuwaasi oo lagu wareejiyay Ciidanka amniga Galmudug.

Dhacdadaan lagu dilay Macalinka Dugsiga ayaa Caawa aad looga hadal hayaa deegaanka uu falku ka dhacay, waxaana falkaas siweyn uga naxay waalidiin farabadan oo carruurtooda dhigta Dugsiga Macalinka dhintay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor