Aqalka Sare oo ka horyimid qaraarka Golaha Shacabka ee Matalaadda G/Banaadir

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kasoo horjeestay Qoraal Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sh C/raxmaan uu u diray Wasaaradda Dastuurka ee ahaa qaraarka Matalaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa waxaa lagu sheegay in Qoraalka uu Guddomiye Mursal u diray Wasaaradda Dastuurka uu xadgudub ku yahay habraaca xeer dejinta dalka ee ku qeexan Cutubka 6-aad madaxa afaraad ee Dastuurka KMG ee dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Aqalka Sare ayaa waxaa uu difaaay kaalinta mugga leh uu ku leeyahay ansixinta sharciyada dalka, wuxuuna waxa kama jiraan ku tilmaamay afarta xeer ee qabyo tirka u ahaa sharciga doorashooyinka Qaranka heer Federaal, haddii aan la waafajinin habraaca xeer dejinta dalka.

Waxaa kaloo Qoraalka Guddoomiye Cabdi Xaashi loogu baaqay Guddiga Doorashooyinka qaranka in inta laga saxaayo afarta xeer ee qabyo tirka u ahaa sharciga aysan xeerarkaas u isticmaali karin doorashada Qaranka.

Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Guddoomiye Cabdi xaashi.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media