Amniga Magaalada Boosaaso oo kulan Deg-deg ah laga yeeshay

Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Bari ee Maamulka Puntland G/sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa maanta shir Guddoomiyey kulan Deg Deg Ah oo looga hadlaayey Amniga Magaalada Boosaaso.

Kulanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Saraakiisha kala duwan ee laamaha ammaanka Gobalka Bari, Talisyayada Saldhigyada Xafadaha Magaalada, waxana aad looga hadlay Xalaada Amni ee Boosaaso oo xiliyada qaarkood ka dhacaan falal amni darro.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo dar-dar gelin lahaa sugidda Amniga, iyadoona la isla qaatay in Howlgallo baarintaan joogto ah laga sameeyo xaafadaha iyo gaadiidka lagu dhex wato Magalada oo idil.

Uga dambayntii Taliye Xuseen Cali Maxamuud ayaa shacabka ku dhaqan Magaalada Boosaaso ka codsaday in ay sii laba jibaaraan wada-shaqeynta laamaha Ammaanka, si looga hor-tago falalka Amni darro oo waxa loguy yeero Argagixisada geysan karaan.

Si kasta Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca weeraro iyo dilal qorsheysan  oo inta badan ay geystaan rag hubeysanm waxaana Mas’uuliyadooda sheegtan Al-shabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media