Ammaanka deegaano ka tirsan gobolka Mudug oo aad loo adkeeyay iyo Madaxweyne Qoor Qoor oo booqanaya

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axned Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa lagu wadaa in maanta oo Khamiis ah uu booqdo deegaano ka tirsan gobolka Mudug iyo Xeryo loo diyaariyay in lagu xereeyo Maleeshiyaad dhawaan wasaaradda Amniga Galmudug ay hubka Kala wareegtay.

Ammaanka deegaanada uu ku wajahanyahay Madaxweynaha Galmudug oo uu ka mid yahay deegaanka Docol oo 40 KM u jira magaalada Gaalkacyo ayaa amnigiisa aad loo adkeeyay waxaana la filayaa saacadaha soo socda in halkaasi uu gaaro.

Dhinaca kalana inta uu ku suganyahay deegaankaas ayaa qorshuhu yahay in uu kormeero xerada ciidanka ee Indha Qaris halkaas oo lagu tababari doono Maleeahiyaadkii iyaga iyo hubkoda uu la wareegay Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi.

Madaxweynaha Galmudug ayaa intaasi kadib kulan la qaadanaya Odayaasha dhaqanka ee deegaanka Docol ee gobolka Mudug waxaana haatan uu ku suganyahay magaalada Gaalkacyo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media