AMISOM oo qiratay in Dad rayid ah ku dishay degaan ay ku sugnaayeen

Hawl-galka Midowga Africa ayaa qirtay in 3 ruux oo rayida dileen halka 2 kalena ay dhaawaceen kadiba weerar gaadmo oo Al-Shabaab ku soo qaadeen ciidankooda oo maraya marin muhiim ah oo dhaca woqooyi bari magaalada Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Sida ay AMISOM ku sheegtay bayaan saxafi, weerarkan ayaa dhacay June 8, 2020, waxa ku dhintay 3 haween ah halka 2 kalena ay ku dhaawacmeen, waxana ay AMISOM xustay in ay aad uga xuntahay arrintaaasi nasiib darada ah.

“Dhacdadii maalintii Isniinta 8-da bishan waxa ay ahayd nasiib daro, waan uga tacsiyeynaynaa ehelada marxuumiintaasi, kuwa dhaawaca ahna caafimaad deg deg ah ayaa u rajeynaynaa”, Madaxa AMISOM, Francisco Modera ayaa sidaa yiri.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media