AMISOM oo la wareegtay ammaanka shirka la filayo in uu ka furmo Muqdisho

Warar hoose oo soobaxaya ayaa sheegaya in Ciidamada Amisom ay la wareegeen  Amaanka goobta uu ka dhacayo shirka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah.

Waxaa la sheegay in  si buuxda ay AMISOM ula wareegtay ammaanka shirka, Waxaana shir goordhaweyd soo dhamaaday la isku afgartay, in ciidamada madaxda oo ay ku jiraan kuwa federaalka gaadiidka dagaalka iyo ciidamada looga reebi doono albaabada  laga galo garoonka Aadan Cadde.

Sidoo kale wararku waxaa ay intaa ku darayaan in madaxda dhamaan aan loo ogolaan doonin in hubka ay la gudbaan marka laga reebo ilaalada gaarka ah ee loo yaqaan VIPda.

Shirka u dhexeeya Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada ayaa la filayaa in berri uu furmo, waxaana magaalada Muqdisho ku sugan dhammaan madaxda maamul Goboledyada dalka, kuwaasi oo shirk aka qayb gali doona.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor