AMISOM oo ka shirtay Howlgalada ay la fuliyaan Ciidanka Dowladda Somalia

Taliyayaasha Ciidamada Militariga ee Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa isku raacay in la dardargeliyo howlgallada wadajirka ah ee ay la wadaagaan Ciidanka Xoogga Dalka ee Soomaaliyeed.

“Natiijada ka soo baxda kulankan waxay wargelin doontaa oo ku qori doontaa shirka soo socda kaas oo aan la yeelan doonno ciidamada amniga Soomaaliya iyo saaxiibbada Soomaaliya ee caalamiga ah. Si kasta oo ay tahay howlgalka 2021-ka kadib, waxaa lama huraan u ah dhammaan ciidamadeena qeybaha inay xoojiyaan awoodda weerarkooda ”ayuu yiri Taliyaha Ciidanka AMISOM, Lt. Gen. Diomede Ndegeya.

Taliye ku xigeenka ciidanka AMISOM ee qaabilsan howlgallada iyo qorshayaasha, Maj. Gen. William Kitsao Shume, ayaa waxaa uu Taliyeyaasha ka qeyb galay shirka u sheegay inay jiraan caqabado heysta Ciidamada, hayeeshee haddana horumar weyn la sameeyay.

Tallaabadaan ayaa ka dambeysay Kulan labo maalmood ah oo ka dhacay Muqdisho Caasimadda ah ee Muqdisho,kaas oo la xiriiray xoojinta amniga doorashada iyo u diyaar garowga howlgalka AMISOM ee sanadkaan 2021 -ka.

Kulankaasi waxaa mudadii uu socday taliyayaashu ay ku ku qiimeeyeen horumarka ilaa hadda laga gaaray, Fikirka laga qabo Hawlgallada AMISOM, Qorshaha Kala-guurka iyo hirgelinta Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee 2568 (2021).

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor