AMISOM iyo Saraakiisha Booliska K/Galbeed oo ka shiray amniga doorashooyinka

Taliyaha Booliska Qeybta Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed Gaashanle Sare Amiin Maxamed Cusmaan (Daruur) ayaa shir gudoomiyey Shirka Guddiga farsamada Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed, kasoo looga hadley qorshaha Ciidanka Booliska 2027 iyo Qorshaha Sugidda Amniga Doorashooyinka ka dhacaya degaannada Koonfur Galbeed.

Saraakiisha Ciidamada Booliska AMISOM iyo kuwa Koonfur Galbeed oo kulanka goobjoog ahaa ayaa waxaa ay taliyaha warbixin ka siiyeen xaaladda amniga ee degaannada Koonfur Galbeed.

Gabagabadii shirka Taliye Amiin Maxamed Cusmaan (Daruur) ayaa faray dhamaan saraakiisha Ciidamada in la dardar geliyo howlaha sugida Amniga degaannada ay ka dhacayaan doorashooyinka labada Aqal.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor