Amiirka Qatar oo ka hadlay geerida Madaxweynihii hore ee Soomaaliya

Amiirka Dalka Qatar, Sheekh Tamiim bin Xamad ayaa uga tacsiyeey Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo geerida ku timid Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo ku geeriyooday dalka Kenya.

Bayaan ka soo baxay xafiisaka Amiirka Qatar ayaa lagu sheegay in Amiirka Qatar uu murugada la qeybsanayo qoyski uu ka baxay marxumka iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo Alle uga baryay inuu Janada ka waraabiyo.

Sidoo kale, waxaa dhambaal tacsi ah usoo diray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo amiir ku-xigeenka dalka Qatar Sheekh Cabdullaahi bin Xamad .

Dhanka kale,  Ra’iisal Wasaaraha Qatar, Mudane Sheekh Khaalid bin Khaliifa ayaa uga tacsiyeeyay  dhiggiisa Soomaaliya mudane Maxamed Xusen Rooble geerida naxdinta leh ee ku timid Madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor