Ambasador Francisco Madeira oo lagu eedeynayo Musuq, Maamul-xumo iyo Faragelin Siyaasadeed

Ergayga Ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha dalka  Somalia, ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM, Ambasador Francisco Madeira waxa uu ka dhiidhinayaa Eedeymo loo soo jeediyey oo isugu jira Musuq, Maamul-xumo, Xadgudub iyo Faragelin Siyaasadeed.

Warbixin Cusub oo dhex wareegayso gudaha Xafiisyadda Ururka Midowga Afrika ayaa waxaa si kulul loogu naqdiyey Ambassador Francisco Madeira, iyadoo lagu eedeynayo inuu si xun ula macaamilo Shaqaalaha, oo ay ku jirto inuu u diido bixinta Shukumaanada ama Tuwaalka Caafimaadka, inuu shaqaalaha u isticmaalo Lahjad Adag, Afduubka Deeqaha AMISOM si uu Siyaasad ahaan uga faa’ideysto iyo isagoo dhinac ka qaadanayo Xaalladaha Somalia, halkii la filayey in Hawlgalka AMISOM uu dhexdhexaad ka noqdo arrimahaasi.

Warbixin-hoosaadka aan weli soo shaac bixin waxaa kaloo lagu muujiyey  in Hoggaaminta AMISOM si caadi ah u farageliyaan Arrimaha Siyaasadda ee Somalia, isla markaana uu mararka qaarkooda la dhinac noqdo DFS.

Dowlad-gobaleedka Jubbaland waxay cabasho ka keentay Hadal uu Ambasador Francisco Madeira uu dhawaan ka jeediyey Golaha Ammaanka ee QM.

Sidoo kale, Siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah Dowladaha ay Ciiddanka ka joogaan Somalia ayaa waxay cabasho ka yihiin Ambasador Francisco Madeira oo u dhashay dalka Mosombiik.

Waxa uu xilka Madaxa Hawlgalka AMISOM hayey tan iyo bishii Janaayo ee sanadkii 2006-dii, isagoo xilligaasi bedelay Ambassador  Ambassador Maman Sambo Sidikou, kaasi oo ku magacownaa Ergayga Gaarka ee Ururka Midowga Afrika ee Arrimaha Somalia.

Dhianca kale Amisom ayaa beenisay eedeymaha lo jeediyey Francisco Madeira

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media