Amb. Cali America oo fariin muhiim ah u diray MD Farmaajo iyo Kheyre

Ambassador Maxamed Cali Nuur (America) ayaa ka hadlay Cudurka halista ah ee Coronavirus oo dad farabadan oo qaba Cudurkaas laga helay Magaalooyin ka tirsan dalka Soomaaliya.

Cali America oo wareysi siiyay telefashinka Dalsan ayaa waxaa uu sheegay in Cudurka COVID-19 uu yahay xaalad adeg oo aduunka kusoo korortay, isla markaana loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ay qaatan tallooyinka Caafimaad ee loo jeedinayo.

Waxaa uu Cali America dadka Soomaaliyeed ee la jiifa Cudurka uu Alle uga baryay inuu Caafimaad siiyo, halka kuwo u dhintay Xanuunka uu Alle Janada ka waraabiyo, wuxuuna shacabka la Codsaday inay feejignaan ka galaan Cudurka.

Sidoo kale Ambassador-ka ayaa ku baaqay in la caawiyo dadka Soomaaliyeed ee aan helikarin Afurka, maadaama lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, isagoona sheegay inay sameeyeen hay’ad dadka u sameeysa gargaar.

Dhinaca kale Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ayuu Maxamed Cali Nuur ugu baaqay inay dadka hor yimaadan oo ay kala hadlaan Cudurka Coronavirus oo kusii faafaya gudaha Magaalada Muqdisho, isla markaana ay shacabka ku baraarujiyaan inay qaataan talooyinka Caafimaad ee la xiriira ka hortagga COVID-19.

Ambassador-ka ayaa waxaa uu isaga oo sii hadlaayay uu tilmaamay in Miisaaniyada dowladda Federaalka ay ku jirto qeyb loogu talagalay in dadka lagu caawiyo, loona baahan yahay xiligaan in dadka lagu caawiyo, maadaama lagu jiro bisha Ramadaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media